Talaado: December 7, 2021
Dable Nisa Maxamed Cali Xuseen waxa uu geystay dhacdo argagax gelisa bulshada degmada BeledXaawo ee Gobalka Gedo, Kadib marki uu Xabado ku furay dhallinyaro daawaneysay tartanka kubada cagta ee Garoonka Boore taaso keentay dhimashada Allaha unaxariste Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharma’arke Cabdullahi.
Dhageysiga Dacwada waxaa dahfuray Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamed Aamiin Cabdulle Aadan baaraha kiiska ayaa sharaxaad kabixiyay Gungaar kiisa.
Xeer ilaaliye Axmed Cabdulaahi Buulle oo cadeemo iyo marqaati horkenay garsoorka hortiisa ayaa kudoday in uu dilka uu yahay mid kas ha waxa uuna garsoorka ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u qalanta ee deysanaha.
Abuukaate Maxamed Xuseen Cumar Saney oo difaacayay eedeysanaha ayaa codsaday in eedeysanaha lagu xukumo Diyo in laga bixiyo.
Dhinaca kale maxkamada ayaa dhageysatay labo eedeysane oo kale kuwaas oo danbiyo kala duwan loo haysto.
Gaba gabadi waxa So xeray Gashaanle Maxamed Aamiin Cabdulle Aadan oo ah Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________