639 Views

Galmudug oo Ciidamo u dirtay degaan ay weerareen Al-Shabaab

Galmudug oo Ciidamo u dirtay degaan ay weerareen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: December 6, 2021

 

Waxaa Maanta degan xaaladda degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo xalay xilli dambe ay tageen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo weeraray, waxaana ka dhacay dsgaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Galmudug & Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Sbabaab ay weerarmooda ku bartilaameed sadeen bar-koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska Galmudug kadibna ay dib uga laabteen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in degaanka godinlabe ay gaareen Ciidamo kala kala tegag Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyay Gudaha degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka Godinlabe ayaa waxaa ay sheegayaan inay dareemaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo maadaama Galmudug ay degaanka keentay Ciidamo farabadan.

Degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalaamay Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab walow bilihii la soo dhaafay xaaladda degaannada Gobolada Dhexe ay aheyd mid degan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post