Talaado: November 30, 2021
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Hay’adda Waddooyinka Puntland ee (PHA).
Madaxweyne Deni ayaa Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Wadooyinka Puntland u magacaabay Cabdifataax Maxamed Sugulle oo Xoghaye u ahaa urur siyaasadeedka Mustaqbal.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyihii PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi, waxaana xilka KMG u hayay Guddoomiye Ku-xigeenka hay’addaas Cabdirisaaq Maxmed Xayir.
Hos ka akhriso wareegtada magacaabista
Garoowe: 29 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay.
DHAMMAAD
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________