Sabti: November 27, 2021
Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in doorashada Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka la qaban doono Maalinta Berri ah.
Kuraasta lagu dhawaaqay in berri la dooranayo ayaa kala ah:
1) HOP103
2) HOP189
Guddiga doorashada ayaa liiska kuraasta Berri la dooranayo kusoo daray HOP103 oo ah kursiga uu ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari kaasoo uu hakiyey doorashadiisa guddiga doorashada FEIT.
Sida ay xogta sheegeyso guddiga doorshada Koonfur Galbeed ayaa diiday go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Heer Federaal, wuxuuna guddiga go’aan ku gaaray in Berri la qabto doorashadiisa.
Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in cabasho ay ka timid Jawaari, taas oo la xiriirta habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaasi.
Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan, kadibna la’isku raacay in la hakiyo doorashada kursigan, illaa iyo inta laga xalinayo tabashada ka jira.
Guddiga ayaa sidoo kale faray guddiga doorashada Koonfur Galbeed inuu dhaqan-geliyo go’aankan, isla-markaana uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#103.
Tan ayaa bilow u ah khilaafka maamulka doorashada ee ka dhex bilaaban doonta Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________