750 Views

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug
____________________________________________________________________________


Sabti: November 20, 2021

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug, ayaa lasii daayay, iyadoo aan sharciga la horgeynin.

Urur lagu magacaabo Somalia Marine Fisheries oo si dhow ula socda kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu soo gudbin doono baaritaanka horudhac ah oo ay ku sameeyeen sababta lagusii daayay markabka, isagoo aan sharciga la marsiin.

Somalia Marine Fisheries ayaa ku tilmaamtay sii daynta markabkan xeelad cusub oo lagu qarinayo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Maraakiibta Kalluumeysiga dalka Shiinaha ayaa si xad dhaaf ah uga kalluumeysanaya badda Soomaaliya, waxaana loo sababeynayaa heshiis wasaaradda kalluumaysigu sannadkii 2018 la gashay Ururka Kalluumeysiga Dibadda  ee dalka Shiinaha oo loo gaabiyo COFA.

Somalia Marine Fisheries waxay ku talisay si loo dhimo kalluumeysiga xad-dhaafka ah ee maraakiibta Shiinuhu ka wadaan badda Soomaaliya in la baabiโ€™iyo Is-fahamka COFA.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post