Isniin: November 15, 2021
Howlgalkii Ciidanka NISA gaar ahaan kuwa Duufaan ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay xaafadaha Howl-wadaag, Yaqshiid iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaabka ah ee ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Duufaan ay gaarayaan ilaa saddex ruux, waxayna ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha oo halbowle u ah shabaab..
Sidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA in ay sii wdayaan howlgalada ay sheegeen in ay ku baacsanayaan waxa ay ugu yeereen Nabadiidka.
Howl-galkan ayaa daba socda howl-galo ay labo maalmood ka hor isla ciidamada Duufaan ka fuliyeen xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, taasi oo lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________