Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa maanta oo sabti ah la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan.
Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in waddooyinkamagaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan.
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________