Howlgal socday muddo 8 bari ah ayaa lagu soo gaban gabeeyey degaanka dhagtuur ee koofurta gobolka mudug, ka dib markii gacanta lagu dhigay 7 ruux oo ah dambiilayaashii ka dambeeyey dilalkii ka dhacay degaanka dhagtuur iyo degaanada hoos yimaadda kuwaas oo ciidamada amniga ay baadi goobayeen maalmihii la soo dhaafay.
Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay qaar ka mida ah walidiinta dambiilayaasha la raadinayo, ka gadaal markii ay ka baxsadeen degaanada howlgalku ka socday.
Waxaa howlgalkaan hoggaaminayay Senatoro iyo gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka ilaalada Madaxtooyada.
Dadka loo qabtay dilalkii ka dhacay degaanka dhagtuur ayaa loo taxaabay xabsiga caasimada galmudug ee dhuusamareeb, halkaas oo la doonayo in lagu maxkamadeeyo.
Waxaana howlgalkaan fuliyey ciidanka madaxtooyada galmuduh waxana hogaaminayay taliyaha ciidanka madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga, iyo ciidamada booliiska oo kashanaya odayaasha dhaqanka, waxaana kaalin weyn ka qaatay maamulka gobolka mudug, kan degmada baxdo ee gobolka galgaduud.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________