Axad: November 7, 2021
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha xilliga Kala-guurka ee Soomaaliya.
Sidoo kale Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhawaan dowladda fedraalka ee soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Ku-xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________