813 Views

QM oo sheegtay in dambiyo dagaal ka dhaceen Itoobiya

QM oo sheegtay in dambiyo dagaal ka dhaceen Itoobiya
____________________________________________________________________________

Baaritaan ay Qaramada Midoobay ku sameysay xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacey gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya, ayaa lagu ogaadey in dhammaan dhinacyada isku haya colaadda ay geysteen xadgudubyo ka dhigan in la galey Dambiyo Dagaal.
Warbixintu waxey si faah faahsan uga hadashey dilalka loo geystey boqolaal qof oo rayid ah.

Dagaalka ayaa bilawdey 4-tii bishii November, ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Wuxuu bilawdey dagaalka markii raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, uu amar ku bixiyey duullaan ka dhan ah ciidamada gobolka Tigreega.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post