813 Views

Koox hubeysan oo dadka ku dila Mobilada oo Muqdisho habeenadii la soo dhaafay dhac iyo dil ka waday.

Koox hubeysan oo dadka ku dila Mobilada oo Muqdisho habeenadii la soo dhaafay dhac iyo dil ka waday.
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar  ahaan Degmada  kaaraan ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay xalay dil iyo dhac ka geysatay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi burcadda ah ay xaafadda Jamhuuriyada ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kadibna ay u geysteen dhac, iyaga oo ka qaatay taleefanka uu watay.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Mowliid Cali Maxamed, wuxuuna ka mid ahaa ardayda sanadkii hore ka baxay Dugsiga Sare ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale maamulka Degmada kaaraan ayaan ka hadlin arintaan, waxaana xaafada Jamhuuriya mudooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayay  Kooxaha Burcadka ah oo dil iyo dhaawac ka gaysta halkaas.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey falalka ammaan dari, sida dilalka iyo dhaca xilliyada habeenkii ah ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post