Isniin: November 1, 2021
Wararka ka imaanaya magaalada garoowe ayaa sheegaya in caawa maamulka Puntland uu joojiyay madal uu ku casunaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka, Maxamed Cirro.
Ciro ayaa la sheegay in uu ka hadli lahaa goob Hotel ah oo ku yaala garoowe oo loo qorsheeyay in uu dadka halkaas iskugu imaan Doono kala hadlo xaalada doorashada iyo siday u dhacayso Doorashada, taasi oo ay puntland dhibsatay.
Sidoo kale Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay ku sugnaayeen madasha, markii ay dowladda Puntland soo saartay amarka joojinta Xaflada halkaas ka dhici lahayd.
Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha halkaas
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________