Isniin: November 1, 2021
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maamulka Dowladda Hoose ee magaalada Kismaayo ay daahfureen Qorshe lagu dhisayo in ka badan 10 waddo oo laami ah kuwaasi oo laga hergalinayo magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Laamiga la saarayo waddooyin ay mariddeeda dhibaato ku qabaan gaadiidka magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaana sii kordhaya cabashada bulshada ee ku aadan waddo xumada ka jirta Kismaayo, waxayna kismaayo tahay magaalo Muhiim ah oo bulsho badan, taasi oo sababtay in ganacsatada ka soo jeedo Deegaankaas ay maalgashi ku sameeyaan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________