khamiis: October 28, 2021
Madaxa siyaasadda ee xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayaa shaaca ka qaaday tallaabada xigta oo ay qorsheynayaan kadib dagaalkii Guriceel.
Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaan doono sidii uu horay u ahaan jiray.”Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu way iska caddahay, horay ayayna u bayaaniyeen culimada iyo hoggaankuba,” ayuu yiri.
“Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna.
Aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ayay ciidamada Ahlu Sunna ka baxeen magaalada Guriceel kaddib dhowr maalmood oo ay halkaas ku dagaallamayeen iyaga iyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka.
Cabdisalaan ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sharraxay sababta keentay in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada Guriceel.
“Ahlu Sunna Waljameeca mar asta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa, Ahlu Sunna iyadoo u tureysa shacabka reer Guriceen iyo umadda Soomaaliyeed ayay go’aansatay inay bannaanka uga baxdo magaalada Guriceel,” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Dowladdu way jabisay heshiiskii Guriceel looga soo baxay.
Haddaba muxuu yahay qorshaha xiga ee Ahlu Sunna?
Isla qodobkaas isagoo faahfaahinaya ayuu Cabdisalaan yiri: “Dagaalkeennu hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkeennu wuxuu ku wajahan yahay a-Shabaab, waxa uu qorshaheennu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u qalmaan inay dhintaan inaan dilnana uma qalmaan.”
Billowgii bishan October ayay soo cusboonaatay colaadda Galmudug kaddib markii ay xoogag daacad u ah ururka Ahlu Sunna ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir la wareegeen magaalada Guriceel.
Dadka dhaliilsan siyaasadda kooxdan ayaa ku eedeeyay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga gol leeyahay sidii ay ku heli lahaayeen saameyn siyaasadeed, laakiin madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntaas, waxa uuna sheegay in kuraasta mar walba ay yihiin kuwo lagu kala qaybsado qaab qabiil”.
Dhowr jeer oo hore ayuu isku dhac dhex maray ciidamada HLU Sunna iyo kuwa dowladda federaalka kaddib markii ay madaxdu isku khilaafeen arrimo siyaasadeed.
Marar kala duwan ayay socon waayeen heshiisyo ay galeen labada dhinac oo mid walba uu kan kale ku eedeeyo ku xad gudubka wixii la isku afgartay
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________