Talaado: October 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka iyo hay’adaha amniga Dalka.
Kulankaan oo daarnaa cabashooyin ka yimid Gudiga gaadiidleyda Xamuulka ah oo ku aadana in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho.
Sidoo kale Gaadiidka xamuulka ee dekada ka sooqaada badeecooyinka ayaa sababa jaam iyo cirriiri dhanka jidadka ah waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado.
Dhinaca kale gaadiidka wawayn ee ka soo qaada Xamuulka Dekada Muqdisho ayaa cabashooyinka ay wadaan waxaa kow ka ah in Wadooyinka Muqdisho maalin iyo habeen aan la mari Karin Saxmad iyo dhagaxyo meel kasta yaala.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________