Isniin: October 25, 202
Qiimaha lacagta dalka Turkiga ee Liiraha la dhaho ayaa hoos u dhacday kadib markii m/weynaha dalkaas Rajab Dayip Ordegan uu dalkaas ka eryay safiirada 10 wadan oo dalkaas ka shaqaynayay.
Marka loo eego suuqyada caalamka hoos u dhac gaarsiisan 1.6% ayaa laga dareemay qiimaha Liirada Turkiga.
War kasoo baxay bangiga dhexe ee Turkiga ayaa lagu sheegay in dawladaha reer galbeedka si ay cadaadis u saaraan xukuumadda Turkiga ay hoos u dhigeen lacagtooda.
Dhawr mar ayay hoos u dhacday lacagta Turkiga taasoo aan wax badan ka badalin dhaqaalaha wadankaas.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________