Axad: October 24, 2021
Waxaa la dhaariyay Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe.
Wararka ayaa sheegaya in lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka, waxaana ka soo Qeyb galay dhaarintiisa Guddomiye kuxigeenka 1aad Iyo guddomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Barlamaanks Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Wasiiro iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS.
Sidoo kale Dhaarinta Bashiir goobe ayaa imaaday kadib markii maalmo ka hor lagu soo af jaray Qilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo iyo Raisal Wasaaraha Soomaaliya Rooble, kadib markii la go’aansaday in uu bashiir Goobe loo magacaabo Xilkaan, Wasiirka ammniga uu sii ahaado C/llaahi Nuur iyo in Taliyaha NISA Yaasiin Farey Xilka laga qaado.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________