Sabti: October 23, 202
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin dedejinta howlaha Doorashooyinka, Amniga, bini’aadanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada UN-ka u hayaan Hirshabeelle.
Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar oo u qabsoontay si daahfurnaan ah.
James Swan ayaa intaa ku daray in QM ay dhijacyo badan ka taageerayso maamulka Hirshabelle iyo Maamulada kale ee dalka, ayna diyaar u yihiin iney gacan ka siiyaan qabashada doorashada xubnaha golaha shacabka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________