khamiis: October 21, 2021
Heshiiskii ay wada gaareen Madaxweyne Maxaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa loogu mahad Celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casis Laftagareen , waxaana la magacaabin Madaxweynaha Galmudug oo Qeyb ka ahaa Heshiiskaas markii la bilaabayay.
Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.
Sidoo kale soo hadal qaadida C/casis Laftagareen ayaa dhabar jab ku ah Qoor Qoor oo mudo muqdisho u fadhiyay in la heshiisiiyo Rooble iyo Farmaajo, waxaana lagu cadeeyay war Saxaafadeedkii ka soo baxay caawa ama loogu mahad Celiyay oo kaliya C/casis Laftagareen.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________