936 Views

Manchester United oo guul soo laabasho ah ka gaadhay Atalanta oo laba gool kala hormartay kulankii xalay

Manchester United oo  guul soo laabasho ah ka gaadhay Atalanta oo laba gool kala hormartay kulankii xalay
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 21, 202

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Atalanta oo laba gool kala hormartay laakiin ay ugu beddeleen saddex gool.

Atalanta  ayaa ka naxsatay Manchester United qaybtii hore, waxaanay si sahlan shabaqooda ugu hubsadeen laba gool oo lagu canaantay Harry Maguire, hase yeeshee qaybtii labaad ayay Red Devils hurdada ka  toostay oo ay saddex gool shabaqa Atalanta ku hubsadeen.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday halyeyga guusha u go’aamiyey Manchester United ee dhaliyey goolka saddexaad si la mid ah ciyaartii Villarreal oo uu sidan oo kale goolka guusha ugu saxeexay.

Daqiiqaddii 15aad ayay Atalanta heshay goolka koowaad ee ciyaarta oo uu u saxeexay  Pasalic oo goolhaye David de Gea dhaafiyey kubbad uu usoo dhiibay Zappacosta, waxaana mid labaad oo madax ahaa u raaciyey Demiral.

Manchester United oo uu culays badan saarnaa, isla markaana lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey afar ka mid ah laga soo badiyey ayaa qaybtii dambe lasoo noqotay dardar iyo ciyaar heerkeedu sarreeyo.

Marcus Rashford ayaa goolka niyadda u dhisay ciyaartoyda Manchester United dhaliyey daqiiqaddii 53aad, waxaana uu goolkiisu noqday aftax wanaagsan, iyadoo ay kooxduna sii kordhisay cadaadiska ay ku haysay difaacyahannada Atalanta oo intii hore oo dhan si fiican iskugu xidhnaa.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sameeyey laba beddel oo saamayn badan ku yeeshay ciyaarta, waxaana uu soo geliyey Paul Pogba oo khadka dhexe gacanta ku dhigay iyo Edinson Cavani oo imaatinkiisu khalkhal ku riday difaaca Atalanta oo uu culayskii Ronaldo mid kale ugu sii kordhiyey.

Harry Maguire ayaa canaantii iskaga maydhay goolka barbarraha kaddib kubbad ugu timid meel cidlo ah oo uu lugta midig si awood badan ugu leexiyey goolka, taas oo goolhaye Juan Musso aanu u helin fursad uu iskaga difaaca.

Bruno Fernandes ayaa khasaariyey fursad dahabi ahayd oo ay taageereyaashu u kaceen, isla markaana  gool u qaateen, laakiin goolhaye Juan Musso oo dhawr tallaabo hore ugu soo qaaday, uguna soo dhex dhuuntay difaacyahannada ayaa gacanta midig u dhigay oo ka diiday fursaddaas.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqaddii 81aad waxa uu madax awood badanku qabtay kubbad uu Luke Shaw kasoo qaaday dhinaca bidix, taas oo goolhaye Juan Musso oo aan xataa isasoo tuurin shabaqa haleeshay.

Garoonka Old Trafford ayaa isla kacay farxad iyo damaashaad, waxaana sidii ay koob ku guuleysteen ay jamaahiirtu ugu dabbaal-dageen mid walba halkii ku beegnayd. Ronaldo ayaa isaguna farxaddii u cararay dhinaca koornaha, dhulkana isku tuuray, waxaana farxad isku dul daadiyey ciyaaryahannada kale.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post