khamiis: October 21, 2021
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u hambalyeeyay dhamaan xubnaha Cusub ee ah kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in ay talaabo kale oo ku dhiiri galinaysa inay sii wadaan shaqooyinka kale ee horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah.
“Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee hirgaliyay doorashadan muhiimka ah ayuu yiri” Axmed Madoobe.
Maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu dhameystiro doorashada labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________