1065 Views

Muuse Biixi oo ka hadlay dadkii ay ka soo musaafuriyeen laas-Caanood

Muuse Biixi oo ka hadlay dadkii ay ka soo musaafuriyeen laas-Caanood
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 17 2021=Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay kasoo musaafuriyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolla Sool iyo dadka u doodaya.

Madaxweyne Biixi waxaa uu sheegay in dadkaasi Somaliland xamili weysay amni ahaan iyo Dhaqaalo ahaan, balse ay gawaari kusoo qaadeen, iyaga oo si nabad ah ugu wareejiyay Maamulka Puntland si ay u gaaraan degaannada Koonfur Galbeed oo ay kasoo jeedaan.

Isaga oo ka jawaabayay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya & Puntland ee ku aadan dadka ay soo musaafuriyeen ayuu sheegay in degaannada Puntland mar walba lagu dilo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, isaga oo tusaale u soo qaatay 17 Ruux oo dhowr Bilood ka hor dil toogasho ah lagu fuliyay Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo lagu helay in u Shaqeeynayee n Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dayaceen Shacabkooda, isla markaana maalin walba dadka lagu xasuuqo magaalada Muqdisho & magaalooyinka kale ee dalka.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Somaliland waxaa uu Maanta ka jeediyay munaasabadda xuska Maalinta ay Somaliland u taqaano Maalinta mujaahdiiinta SNM.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post