Talaado: October 12, 2021
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mr. Nikola Selaković waxayna ka wada-hadleen iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Maal-gashiga iyo Dhaqaalaha labada dal.
Khaliif Cabdi Cumar ayaa caasimada Belgrade ee dalka Serbia kaga qeyb-gelaya shirka wadamada dhex-dhexaadka ka ah isbaheysiyada caalamka (Non-aligned movement)
Soomaaliya, waxay xiriir soo-jireen ah oo soo bilaabmay 1950kii la lahayd wadanka Serbia dalkii horey loo oran jiray Yugoslavia oo u kala go’ay dhowr dal oo ay ku jirto Serbia waxaana dib loo hagaajiyay labada dhinac ka dib markii dowladda Soomaaliya ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay siyaasadeeda arimaha dibadda
Serbia ayaa si xoog leh u soo dhaweysay talaabadda Soomaliya ay ku baahinayso siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo iskaashiga dhanka horumarka ee ay la yeelaneyso dowladaha dunidda.
Office Nairobi Kenya
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________