Khamiis: October 7, 2021
Wararka ka imaanaya saakay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gado ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay ka taagneed xaalad kacsanaan ah.
Xaalada taagan ayaa timid kadib markii Ciidamo uu Wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada Garbahaarey, taas oo ka dhalatay Caro Xooga.
Macalimuu ayaa maalmo ka hor ugu baaqay Madaxweynaha Jubbaland inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo.oo haatan Degmadaas aysan lahayn Gudoomiye.
Sidoo kale Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban.
Office Naiorbi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________