Khamiis: October 7, 2021
Wararka ka imaanaya saakay magaalada Guriceel ee Xarunta Ganacsiga Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada galmudug ay shalay Xireen Wado muhiim ah oo ka imaan Jirtay Degaanka Bohol oo ay haatan ku xoog badan yihiin Ahlusuna.
Ciidamada Ahlusunna ee ku sugan Guriceel ayaa haatan u furan oo kaliya in ay aadaan laba jiho Hadii looga awood roonaado dagaalka magaalada Guriceel, oo Saacadaha soo socda laga cabsi qabo in uu bilaawdo.
Sidoo kale xaalada magaalada ayaa aad u kacsan saacadihii la soo dhaafay, waxayna wararku sheegayaan in Xili kasta ay bilaaban karto Colaada ama dagaalka.
Office Naiorbi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________