Sabti: October 2, 2021
Wararka ka imaanaya magaalda Garoowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni uu soo saaray Xeer Madaxweynaha kuna saabsanaa Magacabaaid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland markuu arkay Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80 aad, Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Sidookale Markuu tixgaliyay Madaxweynaha talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
Wuxuu xeeriyay:
• Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, waa uuna saxiixay.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________