Jimco: October 1, 2021
Wararka ka imaanaya safaarada Somaliya ee Uganda ayaa sheegaya in Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.
Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)
Sidoo kale Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horeeyo dal ku galka labada dal.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________