khamiis: September 30, 2021
Wararka ka imaanaya saakay Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in markii ugu horeysay Mudooyinkaan saakay ay dadka deegaankaas u dareereen goobaha cod-bixinta Doorashooyinka.
Doorashada Guud ee dalka Itobiya ayaa waqtigeedii dib uga dhacday, kadib Markii dalka Itobiya sanadkii la soo dhaafay uu galay Dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Tigreega.
Sidoo kale Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaankaasi ayaa dadka ku nool waxa ay haatan bilaabeen inay u soo baxaan doorashada si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada wakiillada golaha deegaanka iyo xildhibaannada deegaankaasi ku matali doona baarlamaanka federaalka ee Itoobiya.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________