Arbaco: September 29, 2021
Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo .
Wararka ayaa sheegaya in Kulanka uu daarnaa xaalada socdaalka labada dal ay muwaadiniintooda iskaga kala gooshaan Nairobi iyo Muqdisho. Taasi oo mudooyinkii la soo dhaafay soo hagaagaysay.
Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.
Sidoo kale Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka Kenya dad rayid ah ku duqeeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo islamarkaana aysan jirin weli cid ka hadashay.
Office Nairobi kennya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________