Arbaco: September 29, 2021
Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in saakay halkaas ay ka dhacday wax lala yaabay kadib gacan ka hadal dhex maray Suldaan ka mid ah salaadiinta Somaliland Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.
.
Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa dhagax ku dhaawacay Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada.
Labada nin ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyey dagaal dhinaca afka ah, iyaga oo horey eedo kulul isugu mariyey warbaahinta, kaas oo sababay gacan ka hadal-kooda.
Sidoo kale Sawirro lagu Baahiyay baraha Bulshada ayaa Muujinaya in xildhibaanka, uu dhiig fara badan ka socda madaxa, kadibna loogu duubay shaatigiisa, iyadoo dad badan ku soo xoomeen goobta, kuwaas oo isla markiiba caawimaad deg-deg ah u fidiyey mas’uulkaasi.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________