Isniin: September 27, 2021
Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir inay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Degaanka Huurshe.
War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska ayaa sidoo kale faray saraakiisha Ciidamada ee Huurshe ku sugan inay xeryahooda dib ugu laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay ineysan gacan siinin abaabulka dagaal ee Ahlu sunna
Sidoo kale Taliska Booliiska Galmudug ayaa Dhinaca kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure inay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________