Isniin: September 27, 2021
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobalaeedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida kutimid Alle ha unaxariistee jilaagii Soomaaliyeed Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
wuxuu ahaa shakhsi si’weyn looga yaqaanay dhulka Soomaaliyeed waxweynna kusoo kordhiyay suugaanta iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tacsida la wadaagay dhammaan umadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomaaliyeed, ehelladii, qaraabadii, Asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, wuxuu Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, su’aasha qabrigana u sakhiro, sabir iyo iimaanna inaga siiyo.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________