Axad: September 26, 2021
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan.
Wadadan oo si weyn u bur bursan ayaa maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doonaa mashruuc dib loogu dhisayo, si isticmaalkeeda ay uga faaโideestaan bulshada iyo gaadiidka isticmaala.
Inta uu kormeerka socday ayaa Gudoomiye Cumar Filish waxa uu faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeya caqabadaha jira.
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka magaalada.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________