1143 Views

Xafiiska Farmaajo oo ka hadlay fashilka wadahadallada

Xafiiska Farmaajo oo ka hadlay fashilka wadahadallada
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 24, 2021–Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran osaaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.

Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul.

Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhammaadaan

“Waxay na bogaadinayaan dedaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post