Talaado:September 21, 2021
Maxkamada midawga Yurub ayaa dawlada Rushka ku heshay inay mas’uul ka ahayd dilka nin sirdoon ahaa oo la sumeeyay sanadkii 2006.
Garsoorayaasha maxkamada Yurub ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dawlada Rushka ay ka dambeeyeen shirqoolka lagu sumeeyay Alaksandar Ladfinenko oo u geeriyooday sun la siiyay sanadkii 2006 kadibna uu u geeriyooday magaalada London.
Alaksandar Ladfinenko oo horey uga tirsanaa sirdoonka Rushka ayaa ka baxsaday kadibna magangalyo ka helay Ingiriiska oo markii dambe uu ku geeriyooday.
sidoo kale Baarayaal Ingiriis ah ayaa sanadkii 2016 sheegay inay jirka Alaksandar ka heleen sunta nooca neerfaha disha ee polonium,ka la yiraahdo.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________