isniin: September 20, 2021
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax culus oo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka degmadaas, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qasaare uu ka dhashay Qaraxaas uuna ku dhaawacmeen taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar kale oo la socotay, xilliga uu dhacayey weerarka qaraxa ah.
Sidoo kale Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________