639 Views

Mareykanka oo qirtay in dad aan waxba galabsan uu ku laayay Kabuul

Mareykanka oo qirtay in dad aan waxba galabsan uu ku laayay Kabuul
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 18, 2021–Mareykanka ayaa haatan qirtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan maalmo uun ka hor inta aysan ciidamadiisu ka bixin dalkaasi ay ku dhinteen 10 qof oo aan waxba galabsan, sida uu CBS News u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Baaritaan ayaa lagu ogaaday in duqeyntaasi oo dhacday 29 -kii Ogosto lagu dilay shaqaale samafal oo aan waxba galabsan iyo sagaal xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaa oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.

Cannuga ugu da’da yar ayaa la sheegayaa in uu jiray laba sano oo kaliya.

Sirdoonka Mareykanka ayaa muddo siddeed saacadood ah ku raad joogay gaariga uu watay ninkaasi, iyagoo rumeysnaa in uu xiriir la lahaa kooxda la baxday dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan.

Duqeyntaasi ayaa ahayd falkii ugu dambeysay ee ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha dalka Afqaanistaan, ka hor inta aysan soo afjarin howlgalkooga milatari ee ay ka wadeen gudaha dalkaasi muddo 20 sano ah.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post