Muqdisho | September 18, 2021–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta haweenka ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, islamarkaana hadda Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilaabaan ay ilaalin doonaan qoondada.
Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’an in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.
Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Rooble, waxaa ay hadda waddaan dadaallo ay maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada.
Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________