876 Views

Kooxda Xasaradaha Adduunka oo Farmaajo uga digtay inuu qaado tallaabo carqalad ku ah Doorashada

Kooxda Xasaradaha Adduunka oo Farmaajo uga digtay inuu qaado tallaabo carqalad ku ah Doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 16, 2021–Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya, xili uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal dheer oo ay soo saareen Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa waxaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ay mar kale dab ku ciyaarayaan, xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah iyo doorashooyin.

Crisis Group ayaa Beesha Caalamka kula talisay inay cunaqabateyn ku soo rogaan Hoggaamiyayaasha abuuraya xasillooni darada dalka Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan doorashooyinka.

Sidoo kale Kooxda Xasaradaha Adduunka ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka fogaado tallaabo kasta oo lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha, si aysan u carqaladeyn diyaarinta doorashada.

“Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa waa inay ka fogaadaan dadaal kasta oo lagu ridayo ra’iisul wasaaraha si aysan u carqaladeyn diyaarinta doorashada. Madaxweynuhu waa inuu ku dhaganaadaa ballanqaadkiisii ​​hore ee ahaa inuu ixtiraamo hadal ahaan iyo ficil ahaan awoodda Ra’iisul wasaaraha ee maaraynta doorashada iyo amniga dalka Somalia ” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Crisis Group.

Hadalka Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa kusoo aaday, iyada uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaare Rooble, kaasi oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo magacaabista Taliyaha Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post