Sabti: September 11, 2021
- Tunis: M/weynaha dalka Tunisia Keys Saacid ayaa sheegay inuu wax ka badalayo dastuurka dalkaas ayadoo uu jiro walaac ah inuu doonayo m/weynuhu inuu xukunka dheeraysto.
- M/weyne Kays oo ka hadlayay telefishinka dawlada ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax ka badalo qodobada qaar kuwaasoo lagu soo daray sanadkii 2014.
- Inkastoo aan si cad loo sheegin qodobada wax laga badalayo haddana waxay mucaaradku sheegeen in qodobada uu m/weynuhu doonayo wax ka badalayo ay ku jiraan qodobada xil haynta m/weynaha ka hadlaya.
- Mucaaradka Tunisia ayaa mar kale ku celiyay in m/weynaha dalkaas uu doonayo inuu xukunka sii joogo.
Tahliil.Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________