Jimco: September 10, 2021
Puntland ayaa soo bandhigtay qaar katirsan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii Alshabab ee lasoo qabtay markii ay xabsiga ka fakadeen.
Maxaabiista lasoo bandhigay oo bixinaya wareysiyo kala duwan ayaa ka sheekeeyay sidii loosoo qorsheeyay weerarkii Alshabaab kula wareegeen xabsiga Boosaaso, halkaas oo ay kala baxeen boqolaal maxaabiis ah.
Maxaabiista waxay sheegeen in sababaha fududeeyay weerarka xabsiga ay qeyb ka ahayd kadib markii maxaabiista Alshabaab loo oggolaaday isticmaalka taleefoonada, taasoo u sahashay in ay si toos ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa xabsiga.
Xogaha ay maxaabiista bixiyeen waxaa kamid ah, in ay Alshabaab bil walba lacag dhan kun dollar usoo diri jirtay maxaabiista kaga xiran xabsiga Bosaso, waxaana laacagtaas lagu hagaajin jiray sarkaal katirsan maamulka xabsiga oo kadibna lacagta u kala qeybin jiray maxaabiista, sida ay sheegeen qaar kamid ah maxaabiista la wareysnayay.
Wareysiga laga qaaday mid kamid ah maxaabiista wuxuu sheegayaa, in Nin lagu magacaabo Mukhtaar oo katirsanaa maxaabiista Ashabaab ee xabsiga Bosaso ku xirnaa, ay si toos ah ulasoo xiriiri jireen Alshabaab, iyagoo u markii dambe u sheegay in ay xabsiga soo wareerayaan.
Weerarkii xabsiga Boosaaso ayaa kamid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee Alshabaab ay ka geystaan Puntland, waxaana u suurto gashay in la baxaan saraakiil muhiim ah oo muddo dheer xabsiga uga xirnaa iyo kuwa dil sugayaal ah.
Hiiraan Online
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________