Muqdisho | September 09, 2021:-Wafdi ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hoggaaminayo gudoomiye kuxigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Jawhar ee Dowlad goboleedka Hirshabeele.
Xubnaha Guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada aqalka sare BFS, ayaga oo diyaar u ah inay ka garnaqaan cabashooyinka kasoo noqon karaan Doorashooyinka.
Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ay Magaalada Jowhar ka bilaabaan diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare.
Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________