975 Views

Mareykanka oo sheegay inay baarayaan Duqaymo daraad ay ka gaysatay Kabul in ay shacab ku dhinten.

Mareykanka oo  sheegay inay baarayaan  Duqaymo daraad ay ka gaysatay Kabul in ay shacab ku dhinten.
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inuusan muran ka jirin in dad rayad ah ku dhinteen weerarkii ay ku qaadeen qof looga shakisan yahay inuu is qarxin rabay.

Weerarka oo ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Kabul, ayaa waxaa ku dhintay 10 qof oo hal qoys ka kooban, kuwaas oo ay ku jiraan lix carruur ah, sida ay BBC-du u sheegeen qaraabada dadkaas dhintay.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen gaari ay saarnaayeen ugu yaraan hal qof oo xiriir la leh Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ee Afghaanistaan.Mareykank ayaa qiimeynayay oo baarayay warbixinnada dhimashada dadka rayidka ah, ayuu raaciyay.

Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay jireen “qaraxyo waaweyn” kadib duqeyntii diyaaradda, taasoo muujineysa inay jireen waxyaabo qarxa oo laga yaabo inay waxyeello u geysteen dad ka agdhawaa.Ilmaha ugu yar ee dhintay ayaa ahayd, Sumaya oo laba jir ah, halka canugga ugu weynna uu ahaa Farzad oo 12 jir ahaa, sida ay qoyska u sheegeen BBC.

“Waxay ahayd qalad, waa weerar wuxuushnimo ah, wuxuuna salka ku hayay xog qaldan oo la bixiyay,” ayuu yiri Ramin Yousufi oo ka mid ah ehelada dhibbanayaasha.Wuxuu intaas ku daray, isagoo ilmeynaya: “Maxay u dileen qoyskeenna? Carruurteenna? Aad bay u gubteen ma aqoonsan karno jirkooda iyo wajiyadooduba.”Qof kale oo ay qaraabo yihiin, Emal Ahmadi, ayaa BBC-da u sheegay in gabadhiisa oo labo jir ahayd lagu dilay weerarka.

Mr Axmadi, ayaa sheegay in isaga iyo qoyska intiisa kaleba ay codsadeen in loo daadgureeyo Mareykanka, ayna sugayeen wicitaan loogu sheegayo inay aadaan garoonka diyaaradaha.

Waxaa ku jiray mid ka mid ah qaraabadiisa oo lagu magacaabo, Ahmad Naser, oo lagu dilay duqeynta, horayna ula shaqeyn jiray oo turjumaan u ahaa ciidamada Mareykanka. Dhibbanayaal kale ayaa horey uga soo shaqeeyay hay’ado caalami ah, iyagoona heystay fiisooyin u oggolaanaya inay Mareykanka aadaan.Mr Axmadi ayaa intaas ku daray, Mareykanka “wuxuu sameeyay qalad, qalad weyn ayuu ahaa”.

Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka, John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku uusan ka hadli kareyn wararkaas.”Ha qaldamin, ma jiro ciidan halkaa jooga oo si adag uga shaqeeya si looga fogaado waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah marka loo eego milatariga Mareykanka, qofna ma doonayo in la dhibaateeyo qof aan waxba galabsan,” ayuu yiri.

“Waxaan u qaadannaa si aad iyo aad u culus markaan ogaano inaan sabab u noqonay in nolosha dad aan waxba galabsan lagu waayo hawlgalkeenna, si hufan ayaan uga hadlaynaa.”Kadib, isaga oo difaacaya sirdoonka ayuu sheegay, in ay xaqiiqo tahay in hanjabaadyo ku aaddan weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha ee Kabul ay uga yimaadeen urur goboleedka Islaamiga ah ee IS-K ee Afghanistan.

Bayaan ay horey u soo saareen taliska dhexe ee Mareykanka, ayaa lagu sheegay inay jireen dhowr qarax oo aad u xooggan oo dhacay kadib duqeyntii ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.Bayaanka ayaa lagu sheegay, in qaraxyadu ay tilmaamayaan in gudaha ay ku jiraan waxyaabo badan oo qarxa, kuwaas oo laga yaabo inay geysteen qasaaro intaa ka badan”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post