Talaado: August 31, 2021
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen la filayo in uu goor dhaw soo saaro liiska u tartamaya xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii kulamo aan loo kala kicin uu madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka waday tan iyo markii uu gaaray magaalada Jowhar.
Sidoo kale Musharixiin aad u fara badan ayaa gaaray saacidihii ugu dambeeyay magaalada Jowhar, kuwaasi oo doonayo in ay u tartamayaan senatorada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________