Sabti: August 28, 2021
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambasador Francisco Madeira.
Labadan masuul ayaa ka hadlay Amniga Guud ee Deegaannada Hirshabeelle, qorshaha la dagaallanka argagixisada iyo sidii loo sameyn lahaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabab, iyo Arrimaha Doorashooyinka.
Sidoo kale kulankaan ayaa ku soo aadaya Xili shalay Amisom iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ay ka wada hadleen sidii looo qaadi lahaa Guluf ka dhan ah Al-shabaab.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________