Talaado: August 24, 2021
Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey, Michelle Bachelet, ayaa ku boorrisay Taalibaan inay xushmeeyaan xuquuqda haweenka iyo sidoo kale qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay.
“Khadka cas ee aasaasiga ah wuxuu noqon doonaa sida ay Taalibaan ula dhaqmaan haweenka iyo gabdhaha,” Waxay sidaasi ku sheegtay kulan degdeg ah oo ku saabsan Afghanistan.Tan waxaa ka mid ahaa “ixtiraamka xuquuqdooda xorriyadda, xorriyadda dhaqdhaqaaqa, waxbarashada, is muujinta iyo shaqada”.ayay intaa ku dartay .
Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa ka cabsi qaba in xorriyadda haweenku uu hoos u dhac ku yimaado marka ay Taliban dowladooda hirgaliyaan.
.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________