804 Views

Tuulo Mid kamid ah Soomaaliya oo hadii aad hal geed ka jarto ay la mid tahay in aad dishay qof biniaadam ah

Tuulo Mid kamid ah Soomaaliya oo hadii aad hal geed ka jarto ay la mid tahay in aad dishay qof biniaadam ah
____________________________________________________________________________


Axad : August 22, 2021

Qurac qaloocan oo aan caleen lahayn ayaa dhex taagan guriga Cantar Xuseen oo dagan tuulada yar ee Qaamqaam, oo dhow magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Sawirka geedka qalan ayaa si aad ah uga duwan geedaha kale ee tuulada ku yaalla, oo ay ka buuxaan geedo qurac ah oo qaab-dhismeedkoodu dallada u egyahay.

Cantar, oo ah aabbaha10 carruur ah, oo ku cusbaa tuuladda ayaa horraantii sagaashameeyadii jaray mid ka mid ah laamaha geedka quraca ah isaga oo aan ogayn cawaaqibka uu la kulmi doono.

Odayaasha deegaanka ayaa isla markiiba soo baxay waxayna ku eedeeyeen “jarista geedka”. Waxay sheegeen in dambiga uu la mid yahay dilka qof bani’aadam ah waxayna ka codsadeen inuu bixiyo Diya ama mag oo ah qiyaastii $ 1,500 oo magdhow ahaan looga rabo.

Waxay kaloo ku amreen inuu tuulada ka baxo saacado gudahood.

“Waan naxay, waxaan u maleeyay in la ii beegsaday sababo kale laakiin waxay ii sharxeen xeerarka deegaanka, sidaa darteed waa inaan bixiyaa ganaaxa oo aan u raro qoyskayga tuulo kale,” ayuu yiri Cantar.

Xukunka ayaa waxaa riday hoggaamiyaha tuulada, Cali Faarax Ismaaciil, oo ahaan jiray askari milateri oo hadda ku jira da’da 70-tameeyada, waxa uuna ka mid yahay dadkii ugu horreeyay ee dagay tuuladda sanadkii 1991.

Qaamqaam, oo hore u ahayd xero tababar ciidan, ayaa qiyaastii 20km (12 mayl) waqooyi kaga beegan Kismaayo waxayna hoos tagtaa Dowlad- goboleedka Jubbaland.

Ismaaciil wuxuu saldhig ku lahaa xerada isagoo tababare ah xilligii dowladdii Siyaad Barre.

Markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya 1991kii, Ismaaciil iyo saraakiishii la socotay waxay go’aansadeen in aysan dhinac la safan taas badalkeedana ay ilaaliyaan dadka u soo qaxay Tuuladda.

“Dhammaanteen waxaan isku raacnay inaan gacan ka geysanno ilaalinta dadkeenna iyo waliba deegaanka. Waxaan iska ilaalinay wax siyaasad ah iyo qabyaalad ah sidaa darteed dadku aad bay noo aamminsan yihiin oo kooxaha is -diidan nama dhibsan, ”ayuu yiri Ismaaciil.

Si ka duwan sida miyiga kale ee gobolka, Qaamqaam wuxuu caan ku yahay geedaha qudhac ah ee abaarta u adkaysta, oo muddo dheer laf-dhabar u ahaa ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah ee Soomaaliya. 2,000 oo qoysas beeralay ah ayaa hada dagan tuuladda Qaamqaam.

Tobaneeyo sano ka hor, markii Cantar uu geedka jaray ka dib markii uu yimid tuulada, ma uusan doonayn inuu u isticmaalo gubista dhuxusha sidaas darteedna wuxuu racfaan ka qaatay xukunka odayaasha. Waxa uu sheegay in lagu qasbay in uu gooyo geedka sababta oo ah waxa uu dhacaan wasaqaysan ku sii daynayay gurigiisa. Sagaal bilood ka dib ayaa dib loogu soo celiyay tuulada.

“Markaan dadka u sheego inaan lacag Diyo ama mag ah ku bixiyay jarista geed gurigayga ku yaal, waxay u maleeyaan inaan waalan ahay laakiin ma qiimeeyaan faa’iidooyinka aan ka helno geedaha. Ma noolaan karno la’aantood, waa inaan qaddarinnaa muhiimaddooda oo aan si kasta u ilaalinnaa, ”ayuu yiri Cantar.

Soomaaliya ayaa wajaheysa saamaynta isbeddelka cimilada, oo ay wehliyaan abaaraha oo kordhay, daadad waaweyn iyo qaababka cimilada oo aad u daran. Xaalufinta baaxadda leh ee ka dhalatay soo saarista waxa loogu yeero dahabka madow ayaa xaaladda sii xumeysay.

“Waxaa jiray burbur baaxad leh oo wax soo -saarka dhuxushu ku keentay geedaha kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe sidaa darteed waa inaan wax ka qabannaa si aan u ilaalinno,” ayuu yiri Cali. “30 -kii sano ee la soo dhaafay, waxaan ku heshiinnay inaan hirgelinno xeerar adag oo aan ula dhaqmi karno geedaheenna sida midkeen oo kale,” ayuu raaciyay.

Mar kasta oo qof cusub timaado tuulada, waxaan u sheegnaa xeerarka qof walbana mar walba wuu ku faraxsan yahay, ”ayuu yiri Cali. “Kuwii xeerka jabiya, kaliya ma ganaaxno laakiin sidoo kale waxaan ka eryi doonaa tuulada si aan farriin cad ugu dirno dadka intiisa kale,” ayuu raaciyay.

Soomaaliya ma lahan xeerar deegaan oo adag, in kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu 2012 mamnuucay in dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, haddana ka ganacsigeeda waxa ay wali suuq ka heshaa Bariga Dhexe.

QM waxay ku qiyaastay ku dhawaad saddex milyan oo qof inay ku barakaceen colaadaha iyo khataraha cimilada la xiriira ee dalka oo dhan. In ka badan 80 boqolkiiba dalka ayaa xilligan waxaa ka jira xaalado abaareed oo dhexdhexaad ah ama daran.

“Isbeddelka cimiladu wuxuu mar hore dhibaato ka geysanayay Soomaaliya, iyadoo abaaro isdaba joog ah, iyo barakac ay gaareen heerkii ugu sareeyay sanadihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Cumar Axmed Nuur, madaxa waaxda cilmiga deegaanka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa loo baahan yahay tallaabo deg -deg ah si loo dejiyo tallaabooyin la -qabsiga cimilada oo gacan ka geysan doona yareynta nuglaanta bulshooyinka saboolka ah,” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada bulshada reer Qaamqaam ayaa u muuqda in ay saamayn leeyihiin. Quruxda tuulada iyo habka gaarka ah ee geedaha ayaa soo jiidanaya indhaha dalxiisayaasha deegaanka, kuwaas oo tuulada u soo damaashaad taga jimcaha iyo maalmaha ciida.

“Waxaan ka qoomameynayaa jarista geedka gurigeyga maxaa yeelay markaan jaray ka dib waa uu qalalay,” ayuu yiri Cantar oo hadda ka tirsan odayaasha tuulada. “Waxaan mar walba Allah weydiistaa dambi -dhaaf maxaa yeelay way i dhibtaa markasta oo aan arko,” ayuu raaciyay..

Source:- Al Jazeera .

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post