Isniin: August 16, 2021
Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle gaar ahaan deegaanada hoos yimaada magaalasi ayaa wararka waxay sheegayaan inuu halkaasi ku fatahey Wabiga Shabeelle.
Si gaar ah deegaaana fataahada Wabiga shabeelle uu geestay waxaa lagu magacaaba deegaanada kala ah Bayaxow, iyo Boodaale.
sidoo kale wuxuu webiga ku fatahey deegaano dhanka ka xiga Koofur Bari ee magaalada Jowhar Gobolka shabeellada dhaxe.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamded Cumar Ceeymooy oo ku baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa,ayaa sheegey inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.
Fatahaada wabiga Shabelle ee deegaanada Boodaale iyo Bayaxow ayaa sababtay in ay ku baaba’aan dhul beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan,
Wabiga Shabeelle ayaa hore fatahaad uga sameeyay deegaanka Baarey iyadoo markii dambe lagu guuleystey in la xiro buqda Baareey.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________