Axad: August 15, 2021
Kathy Hochul ayaa lagu wadaa inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee barasaab ka noqota New York, kaddib markii Andrew Cuomo uu is casilay makrii loo jeediyay eedyemo la xirira tacaddiyo galmo – kuwaas oo uu beeniyay.
Ms Hochul ayaa lagu wadaa in muddo labo toddobaad gudahood ay kula wareegto xilka barasaabka gobolka afaraad ee ugu dadka badan Mareykanka.
Balse waa tuma Kathy?
Brasaabka is casilay ayaa Kathy ku sheegay inay tahay “qof caqli badan oo xilkas ah”, haweeneydan 62 jirka ah waxay ka tirsan tahay xisbiga Dimuqraaddiga waxayna ka soo jeeddaa deegaanka Buffalo ee gobolka New York state.
Waxay kooxda barasaabka ku biirtay sanadkii 2014, waxayna heysay xilsharafeedka ku xigeenka barasaabka.
Ms Hochul waxay ka soo jeeddaa qoys biraha ka shaqeeya, awowgeed iyo ayeeyadeed ayaana saboolnimo uga soo qaxay Ireland kahor inta aysan soo degin New York.
Waxaa la dhashay lix qof, waxay shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaadatay Syracuse University, iyadoo shahaadada koowaad ee cilmiga shraciga ka qaadatay Catholic University of America. Waxay kaaliye ahaan uga soo shaqeysay Capitol Hill kahor inta aysan ku biirin Kongareeska.
Ms Hochul ayaa weligeedba u doodi jirtay haweenka tacaddiyada lagula kaco. Waxay horkacaysay ololaha Cuomo ee lagula dagaallamayay tacaddiyada galmo ee ka dhaca kuleejyada.
Sanadkii 2006 waxay aasaastay Guriga Kathleen Mary, oo hoy ku meel gaar ah u ahaa dhibbanayaasha tacaddiyada.
“Hadda waxaan yeeshay San iyo Af aan ku dhoola caddeeyo”
Sanadkii 2008, Kathy ayaa cambaareyn la kulantay kaddib markii ay ka soo horjeesatay qorshaha barasaabkii hore ee Eliot Spitzer ee muhaajiriinta aan diwaangashaneyn lagu siinayay shatiga darawalnimada.
Ms Hochul ayaa toddobaadkii hore ku biirtay siyaasiyiinta cambaareeyay Cuomo, waxayna sheegtay in is casilaaddiisa ay tahay waxa ugu fiican ee la sameyn karo.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in Cuomo uu si aan wanaagsaneyn ula dhaqmay dhowr haween ah, sida ay Kathy ku soo qortay barta Twitter-ka.
Baaritaan madax bannaan oo uu horkacayya xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York ayaa lagu ogaaday in Cuomo uu tacaddiyo galmo kula kacay 11 haween ah, oo ay ku jiraan shaqaale dowaladeed.
Haweenka ayaa sheegay inuu faalooyin khaldan ka bixiyay iyaga, si aan habbooneyn uu jirkooda u taabtay, isla markaana uu dhunkaday iyaga oo aan raalli ka ahayn.
Cuomo ayaa beeniyay tacaddiyada galmo, balse wuxuu sheegay inuu doonayo inuu si waafi ah u raalligeliyo haweeney walba oo dhib u aragtay dhaqankiisa.
BBC
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________