Axad: August 15, 2021
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay ka socota qaban-qaabada doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceyso magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Doorashadan oo saddex kursi ah ayaa waxaa ku loolaya illaa lix musharrax kuwaas oo kala ah: 1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, 2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed, 3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.
Lixdan musharrax ayaa ah kuwa cusub, iyada oo uu Lafta Gareeb meesha ka saaray saddexdii Senator ee horay ugu fadhisay kuraastan, kuwaas oo iyaguna kala ah; Mudane Cabdikaafi Macallin Xasan, Mudane Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.
Sidoo kale musharraxiinta ayaa ka hor doorashada hadal jeedin ka sameyn doono xarunta golaha wakiilada Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyey guddiga qabanaya doorashadaasi.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________